Dowladda Kenya ayaa sheegtay inay u sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR inay xiri doonto laba xero qaxooti oo ay ku sugan yihiin in ka badan 400,000 oo qof marka la gaaro 30-ka Juun ee sanadka soo socda.
Warkan ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha khamiistii ayaa waxa uu daba socday kulan dhexmaray madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta iyo Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga Filippo Grandi oo looga hadlay xaalada xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma.
Qaxootigaan ayaa badankood waxa ay ka yimaadeen dalalka Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan.
Dowladda Kenya sidoo kale waxa ay sheegtay in ay sameysay guddi ka shaqeyn doona qorshaha xiritaanka xeryaha oo ay ka mid tahay hay’adda UNHCR.
Dowladda Kenya ayaa dhowr mar ku dhawaaqday in ay xiri doona xeryaha qaxotiga ee Kenya ka dib markii uu khilaaf soo gala dhex galay dowladda dhexe ee Soomaaliya.



