Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay lacag dhuldhigtay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ee dagaalka ku jira dowladdaha Kenya iyo sidoo kale Soomaaliya.
War ka soo baxay Booliska Kenya ayaa lagu sheegay in lacag gaaraysa 2 Million oo Shilinka Kenya ah la dul dhigay Sarkaal ka tirsan Shabaab oo magaciisa Kenya ay ku sheegtay Ramadan Kioko.
Ramadan Kioko ayaa dowladda Kenya ku eedeeysay in uu abaabulay weeraro badan oo lagu qaaday gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya iyo sidoo kal Magaalo xeebeedka Mombaza ee dalka Kenya.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in lacag dhan Labo Million oo Shilinka Kenya ah lagu abaalmarin doono cidii soo sheegta xog sahlikarta in la dilo ama lasoo qabto.
Dowladda Kenya ayaa sheegtay Ramadan Kioko uu khatar ku yahay ammaanka dalka Kenya.


