Dawladda Kenya ayaa qoraal ay soo saartey waxay ku sheegtay in sababta ay dacwadda badda uga qaybgali weyday ay tahay; Cadaalad darrada maxkamadda ICJ, xanuunka Covid19 oo hoos u dhigey diyaargarowgii Kenya, iyo Garsoore Abdulqawi Yusuf oo ah garsoore Soomaali ah.
Sidoo kale, Kenya waxay ku cabatay in Soomaaliya ay kaga dhinteen ciidan badan, kuwaasi oo Soomaaliya ka difaacayay waxaa ay ku tilmaantay ‘Argagixisada iyo Budhcad baddeeda’.
Kenya waxaa kale oo ay u sheegtay maxkamadda cadaaladda adduunka in arrinta muranka Badda ay gacan saddexaad oo dano ganacsi leh ay ku jirto, kuwaasi oo dab kusii shidaya kiiska, sida ay ku tidhi qoraalkeeda.
Dowladda Kenya ayaa xustay in ciidamo iyo Shacab ay uga dhinteen Soomaaliya sanadyadii lasoo dhaafay.
Ugu dambeyntii dowladda Kenya ayaa ugu baaqay Soomaaliya iyo caalamka in wax laga qabto khilaaf ay sheegtay in uu dhalan karo.



