Dowlada Kenya ayaa ka dooneysa maamulka Israel iney ka gacansiiso agabka wax basaasa oo caan ay ku tahay Yahuuda, si ay ugu adeegsato dagaalka ay kula jirto waxay ugu yeertay Argagixisada bariga Africa.
Ilo xog ogaal ah oo dhanka diblumaasiyada ah ayaa sheegay in kulamo dheer kadib Israel ogolaatay iney caawiso dowlada Kenya kana taageerto dagaalka ay kula jirto Alshabaab oo dagaal xoogan kula jiro Kenya.
Dalabka Kenya u gudbisay Israel ayaa ka dambeeyay markii Alshabaab weerar askar badan lagu dilay ku qaadeen saldhiga deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.
Maamulka Israel ayaa la sheegay iney door weryn ku lahaayeen howlgalka ka dhanka ah Alshabaab tan iyo markii la qarxiyay hotelka Paradise oo ku yaalay deegaanka Kikambala oo hoostaga degmada Kilifi sanadkii 2002.
Nadav Peldman, oo ah ku xigeenka safiirka Israel ee dalka Kenya ayaa sheegay in xiriirka dhanka amaanka ee Kenya iyo Israel uu noqday mid soo laabtay sanado badan kadib.
“Israel waxay diyaar u tahay ayna rajeyneysaa taageerada Kenya iyo wadamada kale ee dagaalka kula jiro argagixisada meel kasta oo ay joogaan, waana taageereynaa Kenya”ayuu yiri Peldman.
Kenya ayaa walaac ka muujisay xeritaankii Mareykanka uu xiray saldhiga diyaarada aan duuliyaha laheyn ee uu ku lahaa koofurta dalka Ethiopia, maadaama saldhigaasi loo adeegsanayay in lagula socdo dhaqdhaqaaqyada duulimaadyada Soomaaliya iyo weerarada Mareykanka ku bartilmaameydsanayay Alshabaab.


