Kenya-RisaalaFM- Booliska Dalka Kenya ayaa baaritaano ku haya toogashada bahalnimada ah ee shalay loo geystay 3 Qof, kaas oo ka dhacay Hotel Iqlaas oo ku yaalla Magaalada Gaarisa Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya, gaar ahaan meel ku dhow soohdinta Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen Booliska dadka la toogtay dhamaantood in ay ka shaqeynayeen Hotelka, ayna yihiin dadka Degaanka, sidaasi darteedna ay wadaan baaritaano lagu raadinayo raggii ka dambeeyay dilkan.
Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa James Kianda oo warbaahinta la hadlay ayaa dhankiisa sheegay in mid ka mid ah dadka la toogtay dhaawac ahaan goobta looga qaaday, hadana uu ku jiro Isbitaal ku yaalla Magaalada Gaarisa, si xaaladiisa caafimaad loogu dadaalo.
“Waxa ay aheyd dhacdadan mid naxdin badan, waxaan ku boorinayaa xubnaha ka tirsan dadweynaha in ay feejignaan dheeri ah galaan, maadaama aan la ogeyn xilliga ay weerarka soo qaadayaan Dableyda dilalka geysata, Booliska ayaa baaritaano wada” Sidaasi waxaa warbaahinta Gaarisa u sheegay James Kianda.
Sidoo kale Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa James Kianda ayaa sheegay weerarkan in uu u badinayo in ay fuliyeen jihaadistayaal ka tirsan ururka Al-shabaab, maadaama nimanka weerarka fuliyay madaxyada ay ugu duubnaayeen maryo.
Al-shabaab ayaa inta badan waxa ay weeraro iyo dilal toos ah ka fuliyaan Magaalada Gaarisa, waxaana weerarkii ugu dhimashada badnaa ee halkaasi ka dhaca uu ahaa midkii jaamacada Gaarisa, kaas oo dhacay 2-dii April 2015-kii, waxaana ku dhintay 148 Qof.


