Kenya oo Amar kusoo rogtay Qaxootiga kunool Dhadhaab

Wasiirka arimaha gudaha dowladda Kenya ayaa amray in dib u eegis lagu sameeyo diwaan gelinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Joseph Nkaissery ayaa sheegay in ay muhiim tahay in ay dib isku diwaan geliyaan Qaxootiga si loo ogaado tirada saxda ah ee hadda ku jirto Xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.

Joseph Nkaissery ayaa xusay in laga bilaabo maanta looga baahan yahay dadka Qaxootiga ah ee kusoo haray xeryaha iyo sidoo kale kuwa aan diwaan gashaneyn in ay isdiwaan geliyaan .

Warar ayaa maalmihii lasoo dhaafay ayaa sheegayay in dowladda Kenya ay musuqmaasuqday dhaqaalihii Caalamku ay ugu tala galeen xeryaha Qaxootiga Dhadhaab.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in dowladda Kenya ay wali wado qorshaha ay ku doonayso in ay dib ugu  soo celiso Qaxootiga Soomaaliyeed ee kunool dalka Kenya.

Waxaa uu xusay in qorshahaasi uu dhammaan doono sanadka Soo socda horaantiisa.

Horay  ayaa dowladda Kenya  loogu eedeeyay in ay  dhibaato weyn ku haysto qaxootiga , islamarkaana aysan diyaar u aheyn in ay tixgaliso shuruucda caalamiga ah ee Qaxootiga.