Kenya: Carruur ku geeriyootay Dab ka kacay Guri ay deganaayeen.

Dabka ayaa waxaa uu ka kacay Guri ku yaal  ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya, waxaana ku dhintay Saddex Carruur ah iyo haweeney shaqaale aheyd , kuwaas oo xilliga dabka uu kacayay ku sugnaa Gudaha Guriga.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in dabka uu ka dhashay Shumac la shiday, iyada oo qeyb kamid ah guriga oo ku yaal xaafada Pakawa uu gubtay, sidoo kale uu geystay burbur qaar kamid ah Agabkii yaallay Guriga.

Taliyaha booliska ee Nakuru Phanton Analo ayaa sheegay inay u gurmadeen dadkaasi uu Guriga ay deganaayeen uu Dabka ka kacay oo ay deganeyd haweeneey ka tirsan Booliska oo lagu Magacaabo Mary Wandia.

Booliska Ismaamulka Nakuru ee dalka Kenya ayaa wada baaris dheeraad ah oo ku saabsan sida uu Guriga dabka uga kacay, waxaana Meydka Saddexda Carruurta ah iyo Haweeneyda Shaqaalaha aheyd lagu Aasay Qabuuraha xaafada Pakawa.