Nairobi-RisaalaFM- Dowladda Kenya ayaa waxa ay ka hadashay Dagaalka Ciidamadooda oo garab ka helaya Ciidamo Mareykan ah iyo Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab kula galeen duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubadda Hoose.
Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya Joseph Owuoth ayaa warbaahinta Kenya waxa uu u sheegay Dagaal Ciidamadooda maanta ay la galeen ururka Al-shabaab in ay ku dileen 57 Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaab.
Waxa uu sheegay Afhayeenka weerar cir iyo dhul ah oo gaadmo ah in sakay 08:45 Daqiiqo ah ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, taasina ay sababtay in khasaaraha la gaarsiiyay Al-shabaab uu noqdo mid badan.
“Waxaan dilnay 57 ilaa 55 Askari oo ka tirsan Shabaab, weerarku waxa uu ahaa mid xoogan, maadaama Ciidamo is garab sanayay ay qaadeen, Ciidamadeena feejignaan dheeri ah ayay muujiyeen” Ayuu yiri Joseph Owuoth.
Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Difaaca Kenya Joseph Owuoth ayaa sheegay Ciidamadooda khasaaraha soo gaaray in uu yahay mid kooban, oo tiro yar ah, maadaama Ciidamada ay ahaayeen kuwo Dagaalka diyaar u ahaa, wuxuuna tilmaamay in ay sii wadai doonaan Dagaalka Al-shabaab, ilaa Gobolka uu ammaan ka noqdo.
Maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab weli kama aysan hadlin Dagaalka ka dhacay Duleedka Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.


