Juventus Oo Iska Xaadirisay Finalka Champions Leaque-ga

Kooxda Juventus ayaa iska xaadirisay finalka Champions Leaque-ga kadib markii ay guul ka gaadhay AS Monaco oo Juvuntus Stadium marti ugu ahayd.

Kooxda Maxi Allegri ayaa tikidhka u goosatay magaalada Cardiff ee dalka Wales kadib markii ay wadar ahaan labadii kulan ee afar dhamaadka ay AS Monaco ku garaacday 4:1.

Mario Mandžukić iyo Dani Alves ayaa Juventus guushan ku hogaamiyay halka da’yarka kooxda Monaco ee Kylian Mbappé uu kulankan ka dhigay taarikh isaga u khaas ah kadib markii uu dhaliyay goolka ay Monaco shabaqa Buffon ku gaadhay 180 kii daqiiqo wuxuuna noqoday da’yarkii abid ugu horeeyay ee afar dhamaadka Champions Leaque-ga gool ka dhaliyay isaga oo ay da’diisu tahay 18 sano iyo 140 maalmood.

SHAXDII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Juventus (3-4-2-1): Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Dani Alves, Pjanic, Khedira, Alex Sandro; Dybala, Mandzukic; Higuain

Kaydka:Neto, Lichtsteiner, Benatia, Asamoah, Marchisio, Rincon, Cuadrado

Monaco (4-4-2): Subasic; Raggi, Glik, Jemerson, Sidibe; Bernardo Silva, Moutinho, Bakayolo, Mendy; Falcao, Mbappe

Kaydka:De Sanctis, Fabinho, Mendy, Diallo, Lemar, Germain, Carrillo

Juventus ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ahayd kooxda ugu cad cad ee finalka Champons Leaque-ga laga filayay in ay u soo baxayso maadaama oo ay 2:0 Monaco ku soo garaacday kulankii lugtii hore ee afar dhamaadka Champions Leaque-ga. Laakiin Allegri ayaa doonayay in ay kooxdiisu isdhigan oo ay shaqadii adkayd halkeeda ka sii wadato.

Laacib.net