Juventus oo aad u baadi goobeysa Eden Hazard iyo Willian

Kooxda Juventus ayaa si lama filaan ah udooneysa sedex ciyaaryahan oo katirsan shaxda kobaad ee kooxda Chelsea sidaas waxaa lagu qoray Wargeyska Tuttosport.

Garabka Juan Cuadrado ayaa la filayaa inuu dib ugu laabto Stamford Bridge iyadoo kooxda Juventus ay dooneyso in heshiiska amaahda ah ay ka dhigto mid rasmi ah.

Hase ahaatee Juventus ayaa dooneysa iney ka faa’ideysato qorshaha macalin  Antonio Conte uu ku doonayo saxiixa Leonardo Bonucci iyo Simone Zaza, Bianconeri ayaana rajeyneysa in yeshiissyadaas lagu soo daro Eden Hazard, Willian ama Oscar.

Chelsea ayaan xili ciyaareedka danbe kasoo muuqan donin Champions League-ka, Juventus ayaana dooneysa iney dhibaatadaas ka faa’ideysato.

Si kastaba, Chelsea ayay ubadan tahay ineysan iska iibin donin kubad sameeyaha Willian, halka Eden Hazard uu bartilmaamed weyn uyahay Real Madrid.