Jurgen Klopp “Waxaa Doonayay Real Madrid, Barcelona”

Real Madrid iyo Barcelona ayaa labadaba lagu soo waramayaa inay xiiseynayaan tababaraha Liverpool Jurgen Klopp.

52-jirkan ayaa macalin u ahaa Liverpool tan iyo bishii Oktoobar 2015 – isagoo badiyay 124 kulan oo ka mid ah 215 kulan uu uu maamulay kooxda Merseyside.

Klopp ayaa ku hogaamiyay Reds koobkoodii 6aad ee Yurub xilli ciyaareedkii hore, isagoo kusigtay inuu ka qaado Manchester City horyaalka xilli ciyaareedkii ugu danbeeyay.

Xilli ciyaareedkan, Liverpool ayaa durbaba shan dhibcood oo nadiif ah ku heysa hogaanka horyaalka Premier League ka dib markii ay wada guuleysteen dhamaan shantii kulan oo ay ciyaareen, waxaana kulankii ugu dambeeyay ay 3-1 kaga badiyeen Newcastle United.

Sida laga soo xigtay AS, labada koox ee Madrid iyo Barca waxay qorsheynayaan magcaabista tababarayaal cusub ka dib tababarahooda haatan oo  shaki uu ku jiro booskooda muddada dheer.

Zinedine Zidane iyo Ernesto Valverde ayaan lahubin mustaqbalkooda kooxaha Barcelona iyo Real Madrid, waxaana kooxaha ay isha ku hayaan macalinka Liverpool Klopp.

Xiriirka Zidane iyo madaxweynaha kooxda Florentino Perez ayaa la sheegayaa inuu xumaaday, halka Valverde uu cadaadis ku saaran yahay inuu u qaado Barcelona Champions League.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Klopp uu kuso baxay musharraxa ugu horreeya ee labadaas koox.

Sababta ayaa ah shaqadiisa cajiibka ah ee uu qabtay tan iyo markii uu tagay Ingiriiska.