Jubbaland oo War kasoo saartay xariga Wasiir Janan

Shir deg deg ah oo ay maanta isugu yimaadeen guddiga amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa looga hadlay xarig ay Magalada Muqdisho dowladda Federaalka ugu geysatay Wasiirka Amniga Jubbaland.

Shirkaasi kadib War-Saxaafadeed laga soo saaray ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay walaac weyn ka qabto nolasha,ammaanka iyo badqabka Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur.

Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa loogu baaqay cid kasta oo ku lug leh xarigaas inay si deg deg ah xurriyadiisa u siiyaan Wasiirka,waxaana Hay’adaha Garsoorka Dowladda & Jubbaland laga codsaday inay soo farageliyaan.

Dowladda Somalia ayaa Wasiirka Amniga Jubbaland uu ku eedeeyay in uu geystay falal ka dhan ah dhanka Bani’aadanimada,isla markaana uu galay dambiyo kala duwan.

Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka.