Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada, galmudug, Hir-Shabeelle, Koonfur Galbeed & Duqa Muqdisho ayaa waxaa ay go’aan ka gaareen nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya, kadib kulan ay kuyeesheen Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Jubbaland iyo Puntland oo aan ka qeyb-gelin wajiga Saddexaad ee Shirka Magaalada Dhuusamareeb ayaa horay dhowr jeer ugu eedeeyay Madaxweyne farmaajo in uusan fulin heshiisyo uu la galay sidoo kale Xukuumadda xilka siiheysa ay gaarayaan go’aano masiiri ah oo sharci darro ah.
Madaxweyne kuxigeenka Maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in War-murtiyedka ay soo saareen Madaxdii ku shirtay Dhuusamareb uu si kedis ah kusoo gaaray, hayeeshee Maamulka Jubbaland ay ka tashanayaan Go’aankii ay ka qaadan lahaayeen.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa horay u diiday ka qeyb-galka Shirka Dhuusamareeb, iyaga oo sheegay in dalka aysan laheyn xukuuma fulisa waxyaabaha y ku heshiiyaan, waxaana ay Madaxweynaha Soomaaliya ugu baaqeen in uu Ra’iisul Wasaare soo Magacaabo.
Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa la filayaa inay soo saaraan Go’aamo a xiriira mowqifkooda ku aadan qodobadii ay soo saareen Madaxdii ku shirtay Dhuusamareeb, go’aamadaas oo laba midkood noqonaya inay taageeraan ama kasoo horjeestaan.



