Kadib Shir saacado badan qaatay oo ay wada yeesheen masuuliyiin ka socda maamulka Jubbaland & kan Degmada Baled Xaawo ayaa la isla soo qaaday xaalada amni ee degaanada Jubaland gaar ahaan degaanada Gacanta Jubaland ka maqan.
Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xassan Cabdi Nuur (Janan) iyo Degmada Baled Xaawo Maxamuud Cismaan Xayd, ayaa isla soo qaaday dhacdoyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolka Gedo.
Waxaa kale oo shirkan inta uu socday lasoo hadal qaaday sidii loo sugi lahaa amniga deeganada Jubaland ee gacantooda ku jira, iyo sidii gacanta loogu dhigi lahaa degaanada ka maqan oo ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab
Gudoomiye Maxamuud Cismaan Xayd ayaa hoosta ka xariiqay in shacabka deganada la doonayo in ay weeraraan ciidamda Jubland ay si dhaw ula shaqeeyaan ciidanka.
Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay ku cel celiyeen in ay doonayaan qaadista weerar ka dhan ah Al shabab oo lagu doonayo in looga saaro degaanada ay ku sugan yihiin.



