Doorashada xubnaha u taagan Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabaneysa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland
Xubnaha Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa u tartamaya ku dhawaad 19 musharax , waxaana looga baahan yahay oo keliya 8 xubnood.
Qaar ka mid ah guddiga doorashooyinka maamulka Jubbaland ayaa idaacadda Risaala u sheegay in doorashada ay bilaabaneyso , islamarkana lagu wado in baarlamaanka ay u codeeyaan xubnaha Aqalka Sare.
Magaalada Kismaayo ee xarunta ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa shalay ka bilaabatay dhageysiga khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartamaya Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Jubbaland.
Dhowaan ayay aheyd markii Maamulka Galmudug uu si rasmi ah u soo dhameystiray xubnaha xildhibaanada Aqalka Sare ee ka mid noqonaya Dowladda cusub.


