Jubbaland oo ka hadashay Dagaalka Diif

J/Hoose-RisaalaFM- Maamulka Jubbaland ayaa faah faahin ka bixiyay Dagaal Ciidamada Jubbaland iyo xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ku dhexmaray shalay degaanka Diif oo ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

War Shabaab ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegeen Dagaalka ka dhacay degaanka Diif in ay u suuragashay Dagaalyahanadooda in ay la wareegaan gacan ku heynta degaanka, ayna dileen Ciidamo ka tirsan Jubbaland.

Sarkaal u hadlay Jubbland ayaa sheegay in dagaalka uu jiro balse ururka Al-shabaab aysan la wareegin degaanka, hadana degaanka ay ku sugan yihiin Ciidamada Jubbaland.

Wuxuu sheegay dagaalka ka dhacay degaanka Diif in uu geystay khasaare kala duwan, wuxuuna tilmaamay khasaaraha dhankooda soo gaaray inuu kooban yahay, balse Shabaab ay ka dileen dagaalyahano badan.

Sidoo sarkaalkan ayaa beeniyay war ay baahiyeen warbaahinta qaarkood, kaasi oo ahaa in Taliyihii Booliska Jubbaland nolol iyo geeri inaan midna lagu heyn, wuxuuna tilmaamay Taliyaha inuu nool yahay, kuna sugan yahay magaalada Kismaayo.