Warsaxafadeed kasoo baxay Dawlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu qaadacay muddo kororsiga halka sano ee loo sameeyay madaxda maamul goboleedyada dalka.
Jubbaland waxay sheegtay in doorashadeeda ay u madax banaan tahay ayna qabsan doonto xiligeeda, waxayna ugu baaqday Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in la ilaaliyo Dastuurka iyo xeerarka u yaala dalka.








