Jose Mourinho Oo Sharaxay Sababta Looga Saaray Xulka Man Utd Chris Smalling & Luke Shaw

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa la weydiiyay sabbata Chris Smalling iyo Luke Shaw ku seegeen kulankii kooxdiisa guusha 3-1 ah ka gaartay Swansea.

Smalling ayaa garoomada dhaawac cagta ah kaga maqnaaa tan iyo 23-kii October, halka Shaw oo ciyaaray kulankii Europa League ee ka dhanka ahaa Fenerbahce khamiistii laga saaray markale shaxda kooxda.

Ka hor ciyaarta, Mourinho ayaa yiri: “Smalling ma heysto xaalad 100% ah wuxuu dareemayaa xanuun, Shaw isna wuxuu ii sheegay saaka in uu awoodi waayay in uu ciyaaro..”waqti hore inuusan ciyaari karin.

Dabadeed, waxaan qiimeynay xaaladooda sidaas ayaana kaga saarnay xulka kooxda ayuu yiri macalin Mourinho.

Daafaca dhexe ee Smalling oo 26 jir ah, iyo daafaca bidix ee Shaw, oo 21 jir ah, ayaa labadoodaba laga saaray xulka qaranka England ee lasoo xulay kulamada Scotland iyo Spain.