Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa haatan tababarka kooxda koowaad kusoo laabtay, kadib markii uu kaoso kabsaday dhaawac kasoo gaaray kulankii Basel ee 12kii September.
Pogba ayaa seegay 10kii kulan ee ugu dambeyay kooxda Red Devils, waxaana hadda rajo fiican laga qabaa inuu dib ula midoobo saxiibadiisa kooxda.
Laakiin tababare Jose Mourinho ayaan weli kalsooni ku qabin xaalada soo laabasho ee Paul Pogba, halka Marcos Rojo weli lala tacaalayo xaladiisa.
“Marcos waxa uu kujiraa xaalad gaar ah, wuxuu la joogaa kooxda inteeda kale ayuu u sheegay suxufiyiinta. “Waxaan saadaalin karaa inuu soo laaban doono waqti hore.
Dhanka kale Jose Mourinho ayaa ka naxiyay jamaahiirta kooxdiisa, kadib markii uu sheegay inuusan hubin xaaalada dhaawaca ciyaaryahanka khadka dhaxe ee Paul Pogba.
Pogba waxaa la filayaa inuu kusoo laabto garoomada isbuuca dambe kadib markii uu ka qeyb galay qeyb kamid ah tababarka kooxda.



