Jose Mourinho oo loo Magacaabey Tababaraha Tottenham

Jose Mourinho ayaa loo magacaabay tababaraha Tottenham Hotspur isagoo badalay tababarahii laga ceyriyay shaqada ee Mauricio Pochettino, wuxuuna noqday hadal heynta kubadda cagta ee maanta maadaama uu yahay macalin guulo badan gaaray.

Mourinho wuxuu u saxiixay Spurs heshiis saddex sano iyo bar ah, waxeyna noqoneysaa kooxdiisii saddexaad uu leyliyo kana dhisan Ingiriiska kadib Chelsea & Man United.

Macalinka reer Portugal wuxuu galabta bilaaban doonaa waayahiisa kooxda ka dhisan waqooyiga London, tababarkiisii ugu horreysay ayuu bixin doonaa, sidoo kalana waxaa aad loo hadal hayaa kulamada kusoo socda maadaama ay kooxda boos aan wanaagsaneyn fadhiso.

Jose Mourinho imaatinkiisa hadal heyn badan ayuu u abuuray Tottenham Hotspur, waa kooxda ugu badan ee maanta ay ka sheekeynayaan warbaahinta kubadda cagta dunida, intaasna waxaa sabab u ah macalinka darajada sare ee u dhashay Portugal.