Jose Mourinho Oo Laga Yaabo In La Ganaaxo (Warbixin)

Mourinho ayaa tarabuunka la saaray markiisii ugu horreysay tan iyo markii uu la wareegay taliska kooxda Manchester United waana ciyaartii ay Sabtidii ku wajaheen kooxda Burnley ee ka tirsaneyd ciyaaraha wareegga 10aad ee horyaalka England Premier League taasoo kusoo dhammaatay barbardhac goolal la’aan ah.

Wararka kasoo baxaya England ayaa soojeedinaya in laga yaabo inuu ganaax wajaho tababare Mourinho ka dib markii uu la murmay garsoorihii kulankaan Mark Clattenburg intii lagu jiray waqtigii nasashada ee kulankaan. Mourinho ayaa ku canaantay garsoore Clattenburg in uusan kooxdiisa Man United ku abaalmarin rigoore ay aheyd in loo dhigo ka dib markii uu daafaca Burnley Jon Flanagan diilinta 18aad ku jillaafay Matteo Darmian.

intaas ka dambeeyey garsoore Clattenburg ayaa tallaabo ka qaaday Mourinho wuxuuna ku qasbay inuu tarabuunka ka daawado ciyaarta qeybteedii labaad maadaama uu kula murmay taanalka, waana markii 13aad ee Mourinho la ciqaabo intii lagu jiray xirfaddiisa tababarenimo gaar ahaan waayihiisii kooxaha FC Porto, Chelsea, Inter Milan, Real Madrid iyo haatan oo Man United.

17kii bishaan October ayey aheyd markii ay dacwad kusoo oogeen Xiriirka Football Association ka dib markii uu aragti dhowr nuuc loo fasiri karay ka yiri garsoore Anthony Taylor ka hor kulankii ay Man Utd barbardhaca goolal la’aanta ah la dhaafi weysay Liverpool… Waxayna u muuqataa inuu ganaax garoonka ah wajihi doono haddii uu Mr Clattenburg warbixintiisa ciyaarta ku xuso inuu hadal kulul ku yiri Mourinho.