Jose Mourinho “Man United kuma qasbano inay Arsenal garaacdo sid ay Man City usoo qabato”

Macalinka kooxda Man United Jose Mourinho ayaa kooxdiisa ka dajiyay cadaadiska ay saxaafada Ingiriiska ku heyso.

Jose ayaa sheegay in Man United aysan ku qabsaneyn garaacista Arsenal si ay Man City usoo qabtaan balse ay fursado kale imaan karaan.

Mourinho wuxuu yiri “Kulan walbo waqtigiisa ayuu leeyahay welina lama gaarin xili cadaadiska aan xamili weyno sidaa darteed kuma qabsanin inaan kulanka Arsenal guuleesano”

“Kaliya cayaartooydeyda waxaan u sheegay inay ka fikiraan kulanka hada na horyaalo sidoo kalena aysan isku mashquulin in Man City 8-dhibcood naga sareyso”

Jose Mourinho 7-kulan oo uu safar ku aaday kooxaha Bix Six loogu yeero EPL tan iyo markii Man United uu macalin u noqday wuxuuna lasoo kulmay 4-guuldaro iyo sedex bar bar dhac ah waxaana laga dhaliyay 9-gool asigana hal gool ayay kooxdiisa ka dhalisay naadiyada waa weyn ayadoo safar ah.