Jordan Henderson oo garoomada ka maqnaanaya muddo sided isbuuc ah

Kabtanka kooxda Liverpool Jordan Henderson ayaa seegi doona inta ka dhiman xilli ciyaareedkaan garoomada kadib dhaawac jilibka kasoo gaaray, waxaana laga yaabaa inuu seego xulka England ee ciyaaraha Euro 2016 isku diyaarinaya.

Ciyaaryahanka khadka dhexe, ayaa dhaawac uu kasoo gaaray kulankii khamiistii quarter-finalka Europa League ay wajaheen kooxda Borussia Dortmund, isagoo garoomada ka maqnaanayo muddo lix ilaa siddeed toddobaad.

Kulanka ugu horeeyey England ee Euro 2016 waxay ciyaarayana 11 June, sagaal isbuuc kadib.

Tababare Roy Hodgson, ayaa magacyada xulkiisa 23-nin ka kooban ku dhawaaqi dona 12 May, waxaana uu diiday inuu xulkiisa ugu yeero ciyaartoyda aan taam aheyn.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan si dhab ah ciyaartoyda rajadooda iyo taam ahaanshahooda aan kaga fakirno inta lagu guda jiro tartanka,” ayuu uu sheegay macalinka England.

Henderson,oo 25 jir ah, ayaa kusoo bilowday lix ka mid ah 10kii kulan ee England isreebreebka Euro ka ciyaareen, sidoo kale waxa uu kusoo bilowday ciyaartii saaxiibtinimo ee ay kaga badiyeen xulkiisa Germany bishii March.

Liverpool, oo kujirta kaalinta siddeed ee Premier League ayaa Dortmund wajaheysa lugta labaad ee waregga sideed dhamaadka Europa League 14ka April.

England ayaa wajihi doona xulka Russia ciyaarta ugu horeysa Euro 2016, waxaana ay wajahayaan Wales 16 June iyo Slovakia oo ay ciyarata ugu dambeysa la ciyaarayaan 20 June.