John Bolton oo shaqadda laga eryay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in uu shaqadda ka ceyriyay la taliyihiisa dhanka Ammaanka John Bolton oo ka mid ahaa dadka sidda weyn ugu dhow Madaxweyne Trump.

Xoghayaha arrimaha warbaahinta ee Aqalka Cad Stephanie Grisham ayaa u sheegay weriyaasha in Madaxweynaha uusan jecleysan siyaasadaha Bolton.

Trump ayaa sidoo kale Twitterkiisa ku sheegay in Warbixino badan oo uu bixiyay la talihiisa dhanka Ammaanka aysan wanaagsaneyn.

”Waxaan u sheegay Bolton xalay in aan waqtigan laga bilaabo aan loogaga baahneyn shaqadii uu ka hayay Aqalka Cad.” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Waxaa uu sidoo kale ku dhawaaqay in todobaadka soo socda lagu dhawaaqi doono la taliyaha Cusub ee dhanka Ammaanka.