Jeylaani Nuur Iikar oo kusoo baxay Doorashada Aqalka Hoose

Doorashada Aqalka Hoose ee beelaha Banaadiriga ayaa wali ka socota Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Gudoomiye kuxigeenkii Kowaad ee baarlamaanka Waqtigiiso dhamaaday Jeylaani Nuur Iikar ayaa Maanta kusoo baxay doorashada Aqalka Hoose ee ka socota Muqdisho.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa helay 28 cod, halka Musharaxa la tartamayay C/casiis Cusmaan uu helay 23 cod .