Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa maalmihii dhawaa ka jirey qalalaasiyo ay ku dhinteen saddex qof oo u dhexeeyey ciidamada amaanka iyo Jawar Mohamed oo ah nin sheegta inuu u dhaqdhaqaaqo danaha Oromada.
Dibad-baxyada ayaa billowday kadib markii Jawar Mohamed uu sheegay in gurigiisa ay hareeyeen ciidamada amniga, islamarkaana laga qaaday ilaaladiisa.
Jawar Mohamed waxaa uu sheegay inay layaab ku noqotay kadib markii habeen xilli dambe laga qaaday ciidamadii ilaalada u ahaa oo ka tirsanaa kuwa Booliska Federaalka Itoobiya.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada lagu wargeliyey inay si deg deg ah uga tagaanb, iyada oo aan lagu soo wargelin,sidoo kalena ay maqleen in Gurigiisa loo ogolaaday inay yimaadaan dhalinyaro abaabulan oo isku dayey inay ficil sameeyeen.
“Waxay aheyd wax qalad ah iin laga aamuso oo aan la sheegin in uu xiran yahay jidka weyn isku xira Itoobiya Suudaan iyo in Hoteelo ku yaalla Bartmaha Magaalada ay holcayaan waa masuuliyad weyn waana gudbi doonaan hadii ay ka dhacaan gobolada kale ee dalka ayuu yiri” Jawaar Mohamed.



