Jack Wilshere ayaa qiray inuusan hubin hadii markale uu dib ugu ciyaari doono kooxdiisa Arsenal oo uu hadda Amaah kaga maqan yahay.
24-sano jirkaan, ayaa dib loogu soo celiyey xulka ka dib markii bandhig cajiib ah ka sameeyay kooxda uu amaahda ugu ciyaaro ee Bournemouth xilli ciyaareedkan, laakiin waxa uu sheegay in uusan waxba kala socan mustaqbalkiisa kooxda Arsenal.
Wilshere ayaa sheegay in tababaraha Gunners Arsene Wenger uu hore ugu guuldareystay inuu boos ka siiyo kooxda koowaad, isagoo aaminsan in amaahdiisa kooxda Bournemouth uu hadda ka ka faa’iideystay.
Inkastoo uu jecel yahay Arsenal, islamarkaaana uu kasoo baxay akadeemiga kooxda ee ka qalin waqooyiga London, Wilshere ayaa qiray in uusan hubin haddii uu dib ugu laaban doono maalin maalmaha kamid ah kooxda Arsenal.


