Jaaliyadda Koofur Sudan oo lacag badan ugu deeqay Guddiga Gurmadka Abaaraha” Sawirro”

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koofur Suudan ayaa ugu deeqday dadku ay abaartu saameysay lacag dhan Boqol iyo Kow Kun Boqol Toban iyo Sagaal Dolar”  101,119 Doollar oo lagu tala galay dadka ay Saameeyeen Abaaraha ee ku sugan Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga abaaraha ee Koofur Sudan Dr Jamaal Cabdi Faarah ayaa sheegay in lacagtaan ay soo Aruuriyeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee kunool Koofur Suudaan.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay si wadi doonaan lacagaha ay iska aruuriyaan tan inta dalka uu ka baxaayo Abaaraha.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibada ayaa waxa ay wadaan dadaallo kala duwan oo lagu caawinaayo dadka ay saameeyeen Abaaraha.

IMG_9100 IMG_9129 IMG_9180 IMG_9040 IMG_9055 IMG_9089