Atlanta-RisaalaFM- Waxaa magaaladda Atlanta ee cariga Mareykanka ah lagu qabtay xaflad aad iyo aad u sareysay oo loo sameeyey ardaydii Soomaaliyeed ee sanadkaan ka qalin jabisay Dugsiyadda sare iyo Jaamacadaha.
Munaasabadan ayaa waxaa soo abaabulay Somali-American Community Center oo 10-kii sano ee ugu dambeysay u dhabar adeegtay xafladda Qalin Jabinta oo kor loogu qaadaayo Ardayda Soomaaliyeed niyadooda loogana dhigay abaalmarin dadaalkii ay soo galeen.
Sanadkaan waxaa Dugsiyada ka soo aflaxay arday gaareysa illa 60 Arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilaal, Waxaana ugu horeyntii halkaa khubad taarikhi ah ka soo jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-America Center Mudane Inj. Cumar Sheekhey oo marka hore amaan kala dul dhacay Waalidiinta Caruurta qalin jabineysay,isagoo uga mahadceliyey sida wanagsan ay Caruurtooda ay juhdiga ula soo galeen.
Mudane Cumarow ayaa u duceeyey waalidiinta isago u sheegay shaqada ay soo qabteen in ay tahay mid waligeed aysan taarikhda iloobi doonin, wuxuuna ugu dambeyntii Cumar Sheekhey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali -American Community Center uu carabka ku goday ahmiyadda ay waxbarashadda leedahay.
Munaasabadan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mudane Axmed Xasan oo ka mid ah Clarston City Councal, Dr. Maxamed Cali Nuur, oo Guddiga Jaaliyadda Xubin ka ah, Sharif oo ah Xoghayaha Guddiga Jaaliyadda, Maxamed Sheekh oo xubin ka ah guddiga Jaaliyadda, Mudane Cabdi Isaaq oo ka mid ah odayaasha Jaaliyadda Atlanta, Dr. Cali Cusmaan Cali, Aweys Fundi iyo Caydiid jeenyo oo ka socday Guddiga Isboortiga Atlanta iyo Jaaliyada Atlanta oo Haween iyo Ragba leh, waxayna xafladii ku soo dhamaatay guul iyo reyn reyn.







