Dowladda Itoobiya ayaa waxaa ay War Maanta kasoo saartay safarka uu dalkaasi ku tagayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha itoobiya ay yeelan doonan kulan ay uga hadlayaan xiriirka labada dal iyo Arrimaha Gobolka Geeska.
Sidoo kale Wasaaradu waxa ay sheegtay in tallaabadaan ay qeyb ka tahay dadaalka uu Gobolka ka wado Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed ee xoojinta Nabada iyo isku xirka dhaqaalaha Geeska Afrika.



