Itoobiya oo heshiis kala dhex dhigtay Puntland iyo Galmudug

Sida ay ku warantay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya waxaa heshiis ay kala dhex dhigtay  maamulada Puntland iyo Galmudug oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamayay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

War lagu qoray Boga wasaarada arimaha dibada dowlada Itoobiya ayaa lagu sheegay in magaalada Gaalkacyo ay u qeybsantahay labo qeybood oo ah Koonfur iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo , islamarkaana labadaasi dhinac ay kala maamulaan dowlad goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Dowladda Itoobiya heshiiska ay sheegtay in ay kala dhex dhigtay maamulada Puntland iyo Galmudug , waxaana ka mid ah in la joojiyo colaada ,islamarkaana labada maamul ay ka shaqeeyaan sidii nabad buuxda looga hirgalin lahaa magaalada Gaalkacyo.

Waxaa sidoo kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in heshiis ay qeyb ka tahay in la  hakiyo dhismaha  Maxjarka Xoolaha ee Puntland ka hirgelineyso  Galbeedka Magaalada Gaalkacyo  iyo in uu dib u shaqa bilaabo garoonka diyaaradaha ee dowlad goboleedka Galmudug.

Dowladda Itoobiya ayaa sidoo kale maamulada Puntland iyo Galmudug ugu baaqday in ka qeyb qaataan Nabadeynta magaalada Gaalakcyo ,islamarkaana ay joojiyaan Hadalada colaada abuurikara ee ay warbaahinta isku marinaayaan.