Xulka italy ayaa guul dirqi ah ka gaaray Dhigiisa Poland kulan katirsanaa tartanka UEFA Nations league.
Labada Xul waxeey garoonka keeneen ciyaartooy awood leh inkastoo qeybtii koowaad ee kulankan lagu kala nastay barbaro goolal la,aan ah.
Qeybtii labaad ee ciyaarta Xulka Azzuri ayaa si ka wanaagsan qeybtii koowaad ku bilaawday xilli hogaanka uu u dhiibay ciyaaryahan C.Biraghi.
Sikastaba Xulka Poland waxuu sameeyay dhowr fursadood oo ugu yaraan gool uu ku dhalin karo inkastoo nasiibka uusan saamixin.
Waqtigii loogu talagalay Ciyaarta ayaa kusoo Dhamaatay Xulka Talyaaniga 1 Poland 0.