Israa’iil ayaa sheegtay inay dishay taliyihii garabka hubeysan ee Xamas, Maxamed Odeh, kadib weerar laga fuliyay Qasa maalinta talaado ah maalmo yar kadib markii hoggaamiyihii ka horreeyay uu ku dhintay weerar la mid ah.
Ugu yaraan saddex Falastiiniyiin ah ayaa la dilay, tobannaan kalena waa ay ku dhaawacmeen weerarka weyn ee Talaadada dhacay , kaas oo lala beegsaday dhisme la degganaa oo ku yaalla mid ka mid ah suuqyada ugu mashquulka badan Magaalada Qasa, sida ay sheegeen dhaqaatiir iyo goobjoogayaal deegaanka ah.
Hay’adda ammaanka Israa’iil ee loo yaqaan Shin Bet iyo militariga Israa’iil ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen ku sheegay in la bartilmaameedsaday dhismayaal uu Odeh ku dhuumanayay, kadib bilo badan oo sirdoonku la socday dhaq-dhaqaaqiisa.
Weerarkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee dhimasho badan sababa ee ay Israa’iil ka fuliso Qasa, inkastoo xabbad-joojin ay la leedahay Hamas ay weli jirto.
Duqeyntu waxay ku dhacday saddexda dabaq ee sare ee dhismaha al-Kayali oo ku yaalla bartamaha Magaalada Qasa, halkaas oo waddooyinku ay aad ugu mashquulsanaayeen dad wax iibsanayay ciidda Muslimiinta ee Ciidul-Adxaa.
Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) iyo Shin Bet ayaa sheegay: “Iyadoo qeyb ka ah howlgal wadajir ah oo ay IDF iyo Shin Bet ku beegsanayeen argagixisada Maxamed Odeh, waxaa la weeraray dhowr dhisme oo ku yaalla bartamaha Magaalada Gaza kuwaas oo hoy u ahaa, kadib bilo badan oo sirdoon lagu daba socday isaga iyo kaaliyayaashiisa ururka.”
Waxay sidoo kale sheegeen inay garaaceen “guri u dhow oo uu lahaa xubin Xamas ka tirsan oo ka qeyb qaatay weerarkii Oktoobar 7 isla markaana kamid ahaa kooxda kaaliyeyaasha Odeh.”
Kooxaha gurmadka ayaa si degdeg ah ugu baxay goobta weerarka, balse waxay ku adkaatay inay gaaraan dabaqyada sare sababo la xiriira burburka xooggan iyo ciriiriga ka jiray deegaanka.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan shan gantaal ay ku dhaceen dhismaha ku dhowaad isku mar, iyagoo kaga yimid jihooyin kala duwan.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa Talaadadii sheegay in IDF ay bartilmaameedsadeen Maxamed Odeh, iyagoo ku tilmaamay “mid ka mid ah maskaxdii ka dambeysay” weerarradii October 7 attacks ee sanadkii 2023.
Bayaanka ayaa intaas ku daray: “Odeh wuxuu mas’uul ka ahaa dilka, afduubka, iyo dhaawaca muwaadiniin badan oo Israa’iiliyiin ah iyo askarta IDF.”



