Isku aadka Wareega Group-yada Champions League 2019/20

NYON, SWITZERLAND - July 22: A general view of the trophy ahead of the UEFA Champions League 2019/20 Third Qualifying Round draw at the UEFA headquarters, The House of European Football on July 22, 2019 in Nyon, Switzerland. (Photo by Harold Cunningham - UEFA/UEFA via Getty Images)

Wareega isreebreebka Champions League ayaa la soo gabagabeeyey waxaana mid walba oo ka mid ah 32ka koox ee u tartami doona wareega group-yada haatan ogyihiin kaalintooda ka hor isku aadka wareega Group-ka oo la sameyn doono Khamiista

Xaflada isku aadka ayaa ka dhaci doonta magaalada Monaco, Waxaa ka maqnaanaya AC Milan, Marseille, Arsenal, Manchester United iyo Roma sannad kale

Kooxaha LaLiga ayaa afar koox ku leh tarankaan waana Barcelona, Atletico Madrid, Real Madrid iyo Valencia.

Dhariga koowaad 1: Barcelona, Bayern Munich, Juventus, Manchester City, Paris Saint-Germain, Liverpool, Chelsea iyo Zenit Saint Petersburg.

Lixda jeer kooxda heysata horyaalka yurub ee Champions League iyo kooxda Europa League ku guuleysatay ee Liverpool iyo Chelsea ayaa dharigan koowaad kujira sabab la xiriirta koobabka ay soo hanteen, halka dhamaan kooxaha kale ee kujira dharigaan ay kusoo guuleysteen horyaaladooda.

Dhariga labaad 2: Real Madrid, Atletico Madrid, Borussia Dortmund, Napoli, Shakhtar Donetsk, Tottenham Hotspur, Benfica, Ajax.

Kooxaha Isbaanishka ayaa laga yaabaa inay yihiin kuwa ugu caansan dharigaan, in kasta oo Napoli iyo Borussia Dortmund ay sidoo kale xoogan yihiin islamarkaana uusan jecleyn in qof kasta ku Group noqdo.

Dhariga saddexaad 3: Lyon, Bayer Leverkusen, Red Bull Salzburg, Olympiacos, Club Brugge, Valencia, Inter, Dinamo Zagreb

Inter, oo uu hadda hogaaminayo Antonio Conte, waxay u badan tahay inay ka fiicnaan doonaan sidii ay ahaan jireen, halka Lyon iyo Bayer Leverkusen rajeynayaan inay isbedelo sameeyaan.

Dhariga afaraad 4: Lokomotiv Moscow, Red Star Belgrade, Genk, Galatasaray, RB Leipzig, Slavia Prague, Atalanta, Lille.

Atalanta, Lille iyo Leipzig waxay u noqon doonaan kooxaha loogu cabsida badan yahay qeybtaan afaraad, halka Lokomotiv, Red Star iyo Slavia ay noqon doonaan kuwa ugu jilcan ee uu jeclaan lahaa qof kasta inuu ku beegmo.