Isku aadka nus dhamaadka Nations League iyo Fiinaalahiisa

Tartanka UEFA Nations League wuxuu isku badalay mid xulalka waa weyn lagu ceebeesto waxaana la yaab ah in xulalka Germany, Spain, Italy Croatia iyo Belgium la reebay weliba Germany iyo Croatia League B ayay u dhaceen.

Haddaba ilaa haatan yaa usoo baxay Nus Dhamaad ama Semi Final Hoos Ka Eeg:

Portugal ayaa Semi Final usoo baxeen ayagoo kasoo baxeen Guruub ay kula jireen Italy iyo Poland halka Poland u laabteen League B.

England si geesinimo ku dheehan ayay Semi Final ugu soo baxeen waxayna kasoo baxeen Guruub ay kula jireen Spain iyo Croatia weliba Croatia heerka labaad ayay aadeen.

Switzerland si taariikhi ah waxay ku reebeen Belgium-ka ayagoo kulankii ugu dambeeyay 5-2 ku xaaqeen min 9-dhibcood ayay yeesheen balse Belgium lugtii hore ayay 2-1 ku badiyeen sidaas ayaa lagu reebay madaama laga natiijo wanaagsanaaday isku darka goolasha labadan lug sidoo kale Iceland oo guruubkan ku jireen heerka labaad ayay u laabteen.

Yaa Harsan Oo Semi Final Kusoo Biiri Karo Caawo:

Holland caawo haddii ay guuldaro iska ilaaliyaan kulanka ay Jarmalka wajahayaan Semi Final ayay usoo baxayaan Holland waxay leeyihiin 6-dhibcood waxay u baahan yihiin dhibic qura si ay usoo baxaan waayo France oo guruubkan haatan 7-dhibcood ku hogaaminayaan kulan uma harsano haddii Holland iyo France isku dhibco noqdaan Holland ayaa natiijo fiican madaama isku darka labada lug 2-1 kala mareyso sheekada micnaha lugtii kowaad France ayaa 1-0 ku badiyeen halka kulankii labaad 2-0 Holland ku badiyeen.

Balse haddii caawo Holland laga badiyo France si sahlan ayay Semi Final isku xaadiranayaan waxayna u mahad celin doonaan Jarmalka oo xili hore heerka labaad u laabtay.

Isku Aadka Semi Finalaha Goormaa La Sameynaa Iyo Xiliga La Cayaari Doono:

Isku aadka nus dhamaadka UEFA Nations League waxaa la sameyn doonaa 3 bisha December ee nagu soo fool leh 4:30 galabnimo xiliga geeska Afrika waxaana lagu sameenaa magaalada Dublin ee Waqooyiga Ireland.

Goormaa La Cayaari Doonaa Semi Fiinaalaha iyo Fiinaalka Yaase Marti Galinayo:

Portugal ayaa marti galin doonaan kulamada Semi Fiinaalaha iyo Fiinaalaha waxaana la cayaari doonaa 5 June ilaa 9 June 2019.

Jadwalka kulamada Semi Finalaha, Kaalinta 3-aad iyo Fiinaalka Waqtiga la cayaarayo hoos ka eeg:

5 June: Semi-final 1
6 June: Semi-final 2
9 June: Kaalinta 3-aad
9 June: Final

Ilaa haatan England, Portugal (marti galiyaasha) iyo Switzerland ayaa Semi Fiinaalaha usoo baxeen waxaana la sugaa caawo Holland iyo France midka soo raaci doono.