Isku aadka kooxaha tartanka maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo la shaaciyay

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya , madaxda xiriirka kubadda cagta , xubno ka socday maamul goboleedyada ,gobolka Banaadir iyo bahda sportiga ayaa ka qayb galay munaasabad lagu soo bandhigayay Isku aadka tartanka kubadda cagta ee maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo mudooyinkaan aad loo wada sugayay.

Tartankaan oo sanadle ah ayaa waxaa 6da kooxood ee ka qayb galaya loo kala saray  2group oo kala ah: qaybta A: waxaa ku wada jira  Banaadir, Galmudug iyo Hirshabelle, halka qaybta B:ay ku madalsanyihiin Putland, Koonfur galbeed iyo Jubbaland, taas oo ka dhigan in tartanku uu yahay mid culus.

Tartanka oo sanadkaan la filayo inuu ka dhaco seddax garoon ee kala ah, Injineer Yariisow Stadium , Stadio Muqdisho iyo garoonka Jaamacadaha ayaa loo qorsheeyay inuu furmo bartamaha bisha soo socota ee December.