Iska horimaad khasaare geystay oo ka dhacay Cadaado iyo Xiisad ka taagan

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan  in iska horimaad geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac  uu ka dhacay Halkaasi.

Ciidamo ka tirsan Nabad suggida Galmudug ayaa weerar ku qaaday Guri ay ku shiraan Baarlamaanka maamulka Galmudug oo ku yaalla duleedka Magaalada Cadaado, waxaana halkaasi  ku sugnaa ciidamo boolis ah sida uu Risaala u sheegay Wariye ku sugan Cadaado.

Inkastoo dadka degaanka ay inoo sheegeen in aysan joogin goobta xildhibaanada hadana waxaa u diiday ciidanka Nabad suggida in ay xaruntaasi galaan ciidamo boolis oo halkaasi joogay.

Inta la xaqiijiyay  labo qof ayaa ku dhimatay , halka saddex kalena ay  ku dhawaacmeen iska horimaadkaasi.

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa la sheegay in ilaalo ka haayeen goobta ay ku shiraan xildhibaanadii sheegay in ay xilka Ka qaadeen Madaxweyne Guuleed.

Magaalada Cadaado ayaa hadda waxaa ka taagan xiisad.