Isimada Dhaqanka Puntland oo soo saaray go’aanno xasaasi ah oo la xiriira doorashooyinka Puntland

Isimada  Dhaqanka Puntland oo maalmahii la soo dhaafay  kulan uga socday magaalada Garowe, ayaa go’aan ay soo saareen waxay ku sheegeen in doorashada aysan dib uga dhicin karin waqtigeedii 8 January 2024.

Isimadu waxay waxay sheegeen in baarlamaanka Puntland lagusoo xulo sidii horey loogusoo xuli jiray ee hab-beeleedka, iyagoo tilmaamay waqtiga u harsan madaxweyne Deni in aan lagu qaban karin doorasho qof iyo cod ah.

Isimadu waxay kaloo madaxweynaha Puntland ugu baaqeen inuu si degdeg ah usoo saaro lifaaqii doorashada, uuna magacaabo guddiga ansixinta baarlamaanka iyo xalinta khilaafaadka

Go’aanada kasoo baxay Isimada Puntland ayaa kusoo aaday, iyadoo lagu golaha wasiirrada Puntland ay xalay  meel mariyaan jadwalka cusub ee doorashooyinka Puntland, ee uu dhawaan soo saaray guddiga doorashooyinka Puntland.