Iiraan ayaa xalay gantaallo ku weerartay saldhigyada uu Mareykanka ku leeyahay dalla Qatar, iyadoona la beegsaday saldhigaasi.
Ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan , ayaa ku dhawaaqay inay si toos ah u beegsadeen saldhigga milatari ee Mareykanka ku leeyahay Qatar ee Al Udeid, halkaasoo ay sheegeen inay la beegsadeen gantaallo wax burburiya.
Wakaaladda wararka Iiraan ee Tasnim, ayaa xaqiijisay inay Iiraan si rasmi ah u weerartay saldhigga uu Mareykanka ku leeyahay dalka Qatar.
CNN, ayaa ku warramaysa inay ciidanka Mareykanka la tacaalayaan weerarro gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo ay Iiraan ku qaaday saldhigyada Mareykanka ee Ciraaq iyo Qatar.
Weerarka gantaallada ee Iran ay ku qaadday saldhigga milateri ee Al-Udeid waxa uu jawaab u ahaa gardarrada cad ee Maraykanku ku hayo madaxbannaanida dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka Iran,” ayuu yidhi wasiirka arrimaha dibadda Cabbaas Araghchi.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu rajaynayo in Iran ay hada diyaar u tahay xabad-joojin ka dib markii waddanku uu weerar gantaallo ah ku qaaday saldhigga ciidammada cirka ee Mareykanka ee Qatar, taasoo jawaab u ah duqeymihii Mareykanka ee saddex goobood oo Nukliyeerka Iran.
“Waxaa laga yaabaa in Iran ay hadda diyaar u tahay nabadda iyo wada noolaanshaha gobolka, waxaana si xoogan ugu dhiirigelin doonaa Israa’iil inay sidaas oo kale sameyso,” ayuu Trump ku qoray bartiisa bulshada.
Hogaamiyaha Maraykanka ayaa ku tilmaamay jawaabta Iran mid aad u kooban balse waxa uu uga mahad celiyay Iran in ay horey u siisay “Ogaysiin kahor duqeynta, taas oo suurto galisay in aan cidina ku dhaawacmin



