Iran ayaa ku dhawaaqday inay dhamaysay wajigiii koowaad ee qorshe ay ku samaysanayso internet waddanka gooni u ah.
Xaflada furitaanka ayaa wasiirka warfaafinta iyo isgaarsiinta Mahmoud Vaezi uu qabtay Axadii.
Wakaalada wararka ee waddanka ee Irna ayaa sheegtay in mashruuca uu bixin doono internet tayadiisu fiican tahay oo dhaqso badan, raqiisna ah.
Laakiin dadka dhaleecaynaya ayaa sheegaya in ujeedada mashruuca ay tahay in dowladda ay koontaroosho waxa ay bulshada internetka u isticmaalayaan.
Inkastoo Iran ay xayirtay baraha bulshada ee Twitter, Instagaram iyo Facebook oo saldhigoodu yahay dibadda, macaamiil badan ayaa isticmaala iyagoo adeegsanaya adeegyada internetka ee qaaska ah ee (VPNs).


