Kooxda Inter Milan ayaa lagu soo waramayaa in ay markaan si lama filaan ah ugu dhaqaaqday xiddiga weerarka kaga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane .
Inter Milan ayaa diyaar u ah in ay xiddigaan kusoo xero geliso lacagdhan £35million,sida warbin kasoo baxday talyaaniga lagu sheegay.
Tababaraha kooxda Liverpool Klopp ayaa hadda waxa uu udagaalamayaa sidii uu ku ceshan lahaa xiddiga khadka dhexe kaga ciyaara xulka qaranka Brazil ee Continho.
Laakiin Inter Milan ayaa markaan waxa ay indhaheeda qabteen xiddiga xulka qaranka Senegal, iyadoona diyaar u ah in ay u dhaqaajiso garoonka San Siro.
Mane ayaa dhaawac kasoo laaabtay kulankii ay kooxdiisa 3-0 kaga badisay kooxda ka dhisan dalka Jarmalka ee Hertha Berlin, laakiin waxaa la fahansan yahay in kooxda Inter ay diyaarineyso dalab ku gacaayo 35milion oo euro.
Xiddigaan ayaa kooxda Liverpool qiimo 34 milion ah waxa uu kaga soo biiray kooxda Southampton xilli ciyaareedkii hore, isagoona hadda ka mid ah ciyaartooyda laf dhabarta u ah kooxda Jurgen Klopp.



