Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Marco Rubio, ayaa cambaareeyay go’aanka Britain, Norway, Australia, Canada iyo New Zealand ay ku cunaqabataynayaan laba wasiir oo xagjir ah oo Israa’iiliyiin ah. Wuxuu sheegay in tallaabadan aysan caawinayn dadaallada Mareykanka ee xabad-joojinta Gaza.
Dalalkan ayaa labadaas wasiir ku eedeeyey “hurinta rabshadaha soo noqnoqda ee ka dhanka ah bulshada Falastiiniyiinta” ee ku nool Daanta Galbeed ee la haysto.
Wasiirradan oo kala ah Itamar Ben-Gvir iyo Bezalel Smotrich ayaa labadaba laga mamnuucayaa inay tagaan UK, waxaana la xayirayaa dhamaan hantida u taala UK ku taal, taasoo qayb ka ah tallaabooyinka uu ku dhawaaqay xoghayaha arrimaha dibadda.
Waa qayb ka mid ah tallaabo ay si wadajir ah Talaadadi ugu dhawaaqay dalalka kale ee Australia, Norway, Canada iyo New Zealand.



