In ka badan 10 ruux oo ku dhaawacmay Qarax lagu weeraray Guri ku yaalla Muqdisho

Sidda ay Risaala u xaqiijiyeen dadka degaanka in ka badan 10 ruux ayaa ku dhaawacantay Bambo Gacmeed lagu weeraray Xalay guri ku yaalla Xaafadda Fagax ee degmada Yaaqshiid ee Muqdisho.

Bambo gacmeedka ayaa lagu weeraray Guri la sheegay in la isku yimaado, islamarkaana lagu caweeyo,islamarkaana ay ku sugnaayeen dad la sheegay in ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa Risaala u sheegay in 11 ruux ay ku dhaawacmeen Qaraxa, islamarkaana Kooxdii ka dambeysay ay goobta ka baxsadeen.

Labo ruux oo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa Xaaladood Caafimaad Liidataa.

Ciidanka Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta lagu weeraray Bambo Gacmeedka, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen howlgallo.