Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa maanta u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, safar aan horey loo shaacin.
Safarka Deni ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli uu halkaas hore ugu sugnaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo hadda xulufo siyaasadeed la ah Madaxweyne Saciid Deni.
Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in dowladda Imaaraadka Carabta ay wado qorsho ay isku keenaynayso Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Talabaadan ayaa la sheegay in ay ka dhalatay kulan dhawaan magaalada Muqdisho ku dhex maray Wasiiru-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Wararka ayaa intaas ku daraya in Imaaraadka Carabta ay Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ku qancinayaan in ay wadahadal toos ah la furaan Madaxweyne Xasan Sheekh, si loo yareeyo khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dhinacyada.
Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxtooyada Soomaaliya iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa muddo taagnaa, waxaana salka uu ku haya wax ka beddelka dastuurka iyo habraaca doorashooyinka dalka.
Waxaan la ogeyn sida uu Imaaraadka u dhameyn doono khilaafka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland



