Ilaalada Taliyaha xoogga oo qof Shacab ah ku dilay Muqdisho

Ilaalada Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Jen Odawaa Yuusuf Raage ayaa xalay rasaas xoogan ku furay gaari uu watay Nin kamid ah dadka kunool Xaafada Raadeerka ee degmada Deeyniile Gobolka Banaadir.

Ninka la dilay oo lagu Magacaabi jiray  Maxamed Mirre Xasan Gacal ayaa Ciidamada rasaasta ku fureen xili uu gali rabay garaash kuyaala agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga , wuxuuna u geeriyooday dhaawac culus oo rasaasta kasoo gaaray.

Qaar kamid ah Ehelada Marxuumka ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in Marxuumka uu ahaa Makaanik, isla markaana Gaariga uu watay uu sameeyay si uu u baroobeeyana uu banaanka ugu soo saaray, sidaasina ay Ciidamada ku rasaaseeyeen kadib markii ay ka shakiyeen.

ilaa iyo hadda Taliyaha Ciidamada xoogga dalka kama hadlin dilkaas ay qofka Shacabka ah u geysteen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Horay qaar kamid ah ilaalada mas’uuliyiin kala duwan oo dowladda Soomaaliya waxaa ay u dileen dad Shacab ah kadib markiinay rasaaseeyeen Gawaari ay saarnaayeen oo kusoo dhawaaday Gaadiidkooda.