IGAD oo sheegtay in Shabaab ay halis ku yihiin Gobolka

Ururka IGAD ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab ay halis ku yihiin wadamada gobolka oo idil oo aysan ku koobneyn Soomaaliya  oo kaliya.

IGAD ayaa sidoo sheegtay in ururka Al-Shababa ay xubno ku yeelatay inta badan waddamada gobolka sida Kenya, Jabuuti, Uganda, iyo Itoobiya.

Warbixin uu soo saaray urur Goboleedka IGAD ayaa lagu sheegay in Al-Shabab ay sameeyeen garab Milatari oo si weyn uga hawlgalla dalka Kenya.

Waxaa sidoo kale Al-Shabaab ay abuureen, sida warbixinta ay leedahay, garab Milatari oo ay ugu talagaleen in ay weerarro ka gaystaan dalka Itoobiya.

IGAD ayaa waxa ay sheegtay in Hogaamiyihii hore ee ururkaasi Axmed Cabdi Godane uu sameeyay garabyo Militari oo loogu tala galay in ay ka howlgalaan meelo ka baxsan xuduuda Soomaaliya.

Urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale sheegay in weeraro badan oo ay Shabaab ka geysteen dalka Kenya in ay ku dhinteen Boqolaal Qof, waxaana ugu khasaaro badnaa weerarkii Jaamacada Gaarisa oo sanadkii hore ay ku dhinteen dad ku dhow 150 Qof.