IGAD oo gaartay Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Danjiraha Urur Goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afeey iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gelinkii dambe  waxa ay gaareen Magaalada jowhar ee Gobolka Shabeelah Dhexe, oo ay taalo gogosha Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar waxa ay ku soo dhaweeyeen Wafdiga ka socda Urur Goboleedka IGAD oo halkaasi u gaaray sidii ay u dar dar gelin lahaayeen shirka Maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo weli tabasho ay ka jirto.

Dhowaan Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo Urur Goboleedka IGAD, waxaana shacabka reer Hiiraan ay IGAD ugu baaqeen in ay faraha kala baxdo shirka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.