IGAD oo dalbatay maalgelin joogto ah oo AUSSOM ah, madaxda Soomaalidana ugu baaqday heshiis doorasho

Urur-goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamiga ah inay xaqiijiyaan maalgelin ku filan, la saadaalin karo oo waarta oo loogu talagalay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya.

IGAD ayaa sheegtay in taageerada AUSSOM iyo dalalka ciidamada ku tabaruca ay muhiim u tahay dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyadoo ku baaqday in howlgalka la siiyo dhaqaalaha lagama maarmaanka u ah inuu si hufan u guto waajibaadkiisa.

War-murtiyeedka kasoo baxay Kalfadhigii 74-aad ee Golaha Wasiirrada IGAD, oo  lagu qabtay magaalada Jabuuti, ayaa sidoo kale lagu taageeray dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee geeddi-socodka dimuqraadiyeynta iyo dhismaha nidaam doorasho oo loo dhan yahay oo bulshada si ballaaran uga qaybqaadato.

IGAD ayaa sidoo kale ku baaqday in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ay yeeshaan wada-hadal loo dhan yahay, si loo helo hannaan la isku raacsan yahay oo loo maro doorashooyinka, iyadoo ururku sheegay inuu diyaar u yahay inuu taageero geeddi-socodkaas.

Dhanka Suudaan, IGAD ayaa dalbatay xabbad-joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah, iyadoo labada dhinac ugu baaqday inay ilaaliyaan dadka rayidka ah, fududeeyaan gargaarka bani’aadantinimo, isla markaana galaan wada-hadal siyaasadeed oo ay Suudaan hoggaaminayso.

Kalfadhigan ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha amni iyo bani’aadantinimo ee gobolka, amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo khataraha burcad-badeedda ee kusoo laabtay xeebaha Soomaaliya.