Ibrahimovic oo la ogaaday kulanka ugu horeeya ee uu safan doono xili Ciyaareedkan

Xiddiga Manchester United Zlatan Ibrahimovic ayaa doonaya inuu dib ugu soo laabto kooxdiisa kulanka ay ku wajaheyso Tottenham bisha October, sida ay sheegeyso jariirada Daily Mirror.

Manchester United ayaa sii deysay Ibrahimovic ka dib markii ciyaaryahankii hore ee heerka caalami ee dalka Sweden dhaawac jilibka soo gaaray bishii April.

Waxaa la filayay inuu maqnaado ilaa sanadka Cusub, laakiin 35-sano jirkaan ayaa waqto hore kasoo kabsaday dhaawaciisa.

Si kastaba ha ahaatee, Express Sport ayaa fahamsan in Red Devils qarka u saaran tahay inay dib usoo ceshato halyeeygaan ka dib markii uu tababar sameeyay toddobaadkaan.

Heshiiska cusub ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo Isbuucaan, iyadoo Ibrahimovic ay u badan tahay inuu noqdo dooqa weerarka labaad ee United.

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in Ibrahimovic uu safan karo kulanka Tottenham ee dhacaya bisha October.