Howlwadeennada Risaala Media oo Dib u Helay Xorriyadooda

Laba ka mid ah howlwadeennada Risaala Media Network ayaa maanta dib u helay xorriyadooda kadib markii ay muddo saacado ay ku xernaayeen saldhigga degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Howlwadeennada helay xorriyadooda ayaa waxaa ka mid ah Abuukar Maxamed Keenaan iyo Cabdirashiid Cadow Ibraahim, iyagoo ku guda jiray waajibaadkooda shaqo.

Xarigooda ayaa waxaa amray Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir, Macalin Mahdi. Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin sababta rasmiga ah ee xarigooda, haddana howlwadeennadan ayaa maanta xoriyadooda dib u helay iyagoo nabad qaba.